Sawirro:Ruux Hubeyan oo Gudaha Ugalay Aqalka Cad Ee Mareykanka Xilli Obama Ku Sugnaa.

Sunday September 21, 2014 - 11:47:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Ruux Hubeyan oo Gudaha Ugalay Aqalka Cad Ee Mareykanka Xilli Obama Ku Sugnaa.

    Ciidamada ilaalada gaarka ah ka haya aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa gacanta ku dhigay ruux hubeysan oo gudaha ugalay guriga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ilaalada gaarka ah ka haya aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa gacanta ku dhigay ruux hubeysan oo gudaha ugalay guriga.

Booliska mareykanka waxay sheegeen in maalmihii jumcaha iyo sabtigii lasoo dhaafay ay dhaceen isku dayo ladoonayay in qalqal lagu geliyo ammaanka aqalka cad.

Ruux middi ku hubeysan oo muslim ah ayaa si lama filaan ah ugalay xarunta looga arrimiyo mareykanka xilligaasi oo uu ku sugnaa Brack Obama Madaxweynaha Mareykanka.

Afhayeenka aqalka cad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta ay ku dhigeen ruux hubeysan oo ku dhawaaday barxadda uu saxaafadda kula hadlo Obama.


Saraakiisha ammaanka ayaa layaabay sida ruux middi ku hubaysan ay ugu suurtagashay in uu galo xarun ammaankeeda si adag loo ilaaliyo.

Muwaadin Muslim ah oo lagu magacaabo Omar Gonzalez ayaa gudaha aqalka cad lagasoo qabtay isagoo gacanta ku wata minddi si fiican loosoo afeeyay.

Julia Pearson oo ah afhayeenadda guddiga gaarka ah ee qaabilsan ammaanka aqalka cad oo warbaahinta lahadashay ayaa xaqiijisay in si KMG ah madaxda mareykanka looga daad gureeyay qeybo katirsan aqalka cad kadib markii laqabtay ruux hubeysan.

"Nin middi ku hubeysan ayaa aqalka cad lagu qabtay runtii wax lala yaabo ayay aheyd in ruux wata hub wax dila uu soo galo aqalka cad mana ahan wax qaanuunka waafaqsanā€¯ayay tiri Julia Pearson.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ruuxa hubeysan ee la qabtay ay baaritaanno ku socdaan,Obama ayaa xaalad halis dhanka ammaanka ah wajahaya tan iyo markii maamulkiisu dagaalka ku iclaamiyay mujaahidiinta caalamka.

http://wata.cc/up/2014/09/images/w-51b1e073a8.jpg
http://wata.cc/up/2014/09/images/w-261b4a0ba8.jpg
http://wata.cc/up/2014/09/images/w-a168014976.jpg

Related Items