Weeraro Khasaara Dhaliyay oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka Ee Muqdisho.

Sunday September 21, 2014 - 10:33:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Khasaara Dhaliyay oo Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka Ee Muqdisho.

    Ciidamada mujaahidiinta ayaa xalay weeraro ku qaaday saldhigyo ciidamada shisheeye ee AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta ayaa xalay weeraro ku qaaday saldhigyo ciidamada shisheeye ee AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Iska hor’imaadyo xooggan ayaa xaalay fiidkii ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid.

Xoogag hubeysan ayaa weeraray saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Huriwaa,sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah waxaa lamaqlayay rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen.

Sidoo kale weerar hubeysan ayaa lagu qaaday daarta qabyada degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay ku suganyihiin maleeshiyaadka dowladda Federaalka.


Sarkaal katirsan XSHM ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankoodu ay xalay weeraro fuliyeen isagoona carrabka ku dhuftay in khasaara ay gaarsiiyeen cadawga ay weerareen.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo gaar ah oo mujaahidiinta katirsan ay Muqdisho ku dileen sedax askari oo midi sarkaal ahaa islamarkaana ay dhaawaceen madaxii hay’adda duulista hawada garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Related Items