Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Shiicada Ah oo Qabsaday intabadan Magaalada Sanca Ee Wadanka Yemen.

Sunday September 21, 2014 - 18:46:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Shiicada Ah oo Qabsaday intabadan Magaalada Sanca Ee Wadanka Yemen.

    Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ayaa lawareegay intabadan magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yemen kadib dagaallo maalmo qaatay oo ay lagaleen ciidanka xukuumadda dabadhilifka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ayaa lawareegay intabadan magaalada Sanca ee xarunta wadanka Yemen kadib dagaallo maalmo qaatay oo ay lagaleen ciidanka xukuumadda dabadhilifka wadankaasi.

Wararka Yemen ka imaanaya ayaa sheegaya in dagaallo culus kadib ay shiicada xuuthiyiinta  qabsadeen xarunta golaha wasiirada,xarunta ciidanka qalabka sida Telefeshinka iyo raadiyaha.

R/wasaarihii xukuumadda Yemen ayaa ku dhawaaqay iscasilaad kadib markii xaruntiisi gaarka aheyd ay qabsadeen fallaagada shiicada Rawaafidda ah.

Inkabadan 72 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Sanca,sarkaal u hadlay xuuthiyiinta ayaa warbaahinta u sheegay in laba maalmood gudahood ay ku qabsan doonaan qasriga madaxtooyada wuxuuna meesha ka saaray in ay u hoggaansamaan xabad joojin.


Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in qabsashada shiicada ee talada Yemen ay ku timid isku xir ay sameeyeen dowladaha Sacuudiga,Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka waxaana socda qorshayaal dhagar ah oo ladoonayo in muslimiinta Yemen shiicada loogu gacma qabto taasi bedelkeedna la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah mujaahidiinta alqaacidada Jaziiradda Carabta.

Related Items