Shirkad Turkiga Laga Leeyahay oo Lagu Wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho iyo kumanaan Muwaadiniin Shaqa la'aan ah!

Sunday September 21, 2014 - 19:14:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Turkiga Laga Leeyahay oo Lagu Wareejiyay Maamulka Dekadda Muqdisho iyo kumanaan Muwaadiniin Shaqa la'aan ah!

    Kadib munaasabad maanta duhurkii ka dhacday dekadda magaalada Muqdisho ayay dowladda Federaalka ku wareejisay maamulka dekadda caalamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib munaasabad maanta duhurkii ka dhacday dekadda magaalada Muqdisho ayay dowladda Federaalka ku wareejisay maamulka dekadda caalamiga ah.

Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga maamulka dabadhilifka Xasan Sheekh ayaa shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ku wareejiyay dekadda caalamiga Muqdisho taasi oo ka dhigan in garoonka diyaaradaha iyo dekadda ay gacan shisheeye si toos ah ugu jiraan.

Kaabayaasha dhaqaalaha wadanka wuxuu gacanta ugu jiraan dowlado shisheeye,wasiirka dekadaha oo saxaafadda lahadlayay wuxuu caddeeyay in 45% dhaqaalaha kasoo baxa dekadda Muqdisho ay qaadan doonto dowladda Turkiga.


"dowladda Federaalka soomaaliya maanta ayay shirkadda albarek ee Turkiga si rasmi ah ugu wareejisay maamulka dekadda Muqdisho,dhaqaalaha dekadda kasoo xarooda 45% Turkiga ayaa qaadanaya 55% dowladda soomaaliya ayaa qaadanaysaā€¯ayuu yiri wasiirka dekadaha.

Kumanaan kamid ah shaqaalaha dekadda Muqdisho ayaa shaqadii ay hayeen waayay kadib markii shirkadda Turkishka ah ay keensatay shaqaale iyada taabacsan.

Hoggaamiyaasha DF-ka ee dabadhilifyada ah ayaa wajahaya fadeexado dhan walba ah,sanaddii 2012 shir ka dhacay magaalada London ayaa gumeysi toos ah iyo mid dadban lagu geliyay Soomaaliya waxaana shirqoolkaasi kamid ahaa in dhaqaalaha dalka shisheeye si buuxda gacanta ugu dhigo.

Related Items